Scotland: Siddeed ku dhimatay shil helikobtar

Image caption burburka dhismaha ay helikobtarka ku dhacday.

Boliiska scotland, ayaa sheegay in siddeed qof ay ku dhimatay kadib markii boliis helikobter ay ku dhacday xalay dhismo baar ku yaala magaalada Glasgow ee Scotland.

Madaxa boliiska Sir Stephen House, ayaa sheegay in dadka dhintay saddex qof oo saarnaa helikobtarka, afar iyo toban qof ayaa dhaawac culus gaaray.

Wuxuu sheegay inaysan suurto gal ahayn in la sheego inay jiraan dad ka badbaaday gudaha dhismaha, ilaa dab damiyayaasha ay dhismaha gali karaan. Ilaa boqol iyo labaatan qof ayaa baarka ku jiray waqtigaas.