Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Taariikhda Ambassador Axmed M Qaybe

Ambassador Axmed Maxamed Adam Qaybe, oo ku geeriyooday Hargeysa toddobaadkan ayaa loo sameeyay aas qaran.

Marxuum Qaybe oo ahaa dibloomasi taariikh dheer leh oo xilal kala duwan soo qabtay lixdankii ee sanno ee ugu danbeeyay, waxaa aaskiisa ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, xubnaha baarlamaanka iyo guurtida, Jeneraalada ciidamada Somaliland, iyo dadweyne aad u badan oo qaarkood ka yimaadeen gobollada.

Boqolaal baabuur ayaa daba socday maydka gaadhigii uu saarnaa, oo la soo mariyay wadada badhtamaha ee Hargeysa, iyadoo quraan badan iyo duco loo akhriyay. Ilaahay ha u naxariisto.