Santuuqa Horumarinta ee Somaliland

Image caption Madaxda Somaliland iyo deeq bixiyayaasha Britain iyo Denmarka oo kala saxiixday heshiiska.

Somaliland Development Fund, ayaa ah hab cusub oo hal meel la isugu gaynayo lacagaha ay deeqbixiyayaasha ku bixiyaan mashruucyada horumarineed ee Somaliland ee (2012-2016)

SDF, ayaa lacagta lagu bilaabayo ay dhan tahay $40milyan oo ay bixisay dowladda Britain (DFID) iyo $20milyan oo ay bixisay dowladda Denmark (DANIDA).

Mashruucyada horumarineed ee lagu fulinayo lacagtan waxaa ka mid ah, horumarinta biyaha, beeraha xoolaha iyo jidadka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Lacagtan ayaa ah qayb ka mid ah $1.19 bilyan oo ay Somaliland ugu tala gashay mashruucyada horumarineed ee (2012-2016).

Wariyaha BBC Axmed Saciid Cige, ayaa ka waraystay heshiiska, Wasiirka qorshaynta ee Somaliland Sacad Cali Shire.