Saacid oo kalsoonida lagala laabtay

Mudayaasha Soomaaliya
Image caption Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyay mooshin ka dhan ah Ra'iisalwasaare Saacid

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kalsoonida kala laabtay Ra'iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon

Baarlamaanka ayaa u codeeyay mooshin ka dhan ah xukuumadda uu hogaamiyo Ra'iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Mooshinka ka dhanka ah Saacid waxaa u codeeyay 184 mudane.

Waxaa mooshinka ka soo horjeestay 65 mudane oo taageersanaa Saacid.

Mudanayaasha ayaa goor sii horreysay soo gabagabeeyay doodda arrintan la xirirta.

Mudanayaasha ayaa maalintii seddexaad ka doodayay mooshinkan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisalwasaaraha ayaa la sheegay in uu u dhexeeyo khilaaf lagu tilmaamay mid dastuuri ah.

Image caption Xukuumadda uu hogaamiyo Saacid ayaa loo qaadayaa codka kalsoonida

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegayaa in uu doonayo in Saacid uu is casilo.

Haddii baarlamaanka kalsoonida kala noqdo Ra''isalwasaare Saacid, madaxweyne Xasan ayaa soo magacaabi doono ra'iisalwasaare cusub.

Destuurka Soomaalia ayaa siinayo madaxweynaha xaqa ah inuu magacaabo ra'iisalwasaare, laakin shaqada kama eryi karo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan