Dibedbaxayaal loo oggolaaday xarunta dowladda Tailand

  • 3 Disembar 2013
Tailand
Dibedbaxayaasha Tailand oo loo oggolaaday inay galaan xarumaha dowladda

Hoggaamiyaha dibadbaxyada ka dhanka ah dowladdaTailand ayaa sheegay inay sii wadi doonaan ololaha ka dhanka ah dowladda.

Warkan ayaa imanayo kaddib markii mas’uuliyiinta dowladda u ogolaadeen dibadbaxayaasha in ay gudaha u galaan xarumaha dowladda.

Suthep Thaugsuban oo hadal u jeediayay muddaaharaadayaasha ayaa ballan qaaday in dibedbaxyadu sii socon doonaan.

Dibedbaxayaashu ayaa ballan qaaday in ay muddaharaadyada sii socon doonaan inta xukumadda Ra’iisalwasaare Yingluck Shinawatra laga ridayo.

Ciidamada boliiska ayaa u banneeyay boqolaal dibadbaxayaal ah si ay u galaan guriga dowladda iyo xafiiska ra’iisalwasaaraha kaddib toban maalmood oo caasimadda Tailand ee Bangkok ay ka socdeen muddaharaadyo looga soo hor jeeda dowladda.

Dibad-baxayaasha ayaa markii dambe isaga baxay dhismayaashaasi.