Kenya oo damaanad u diiday 4 Soomaali

  • 4 Disembar 2013
Image caption Afarta dhalinyarada ah ee lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen weerarkii Westgate

Maxkamad ku taal dalka Kenya ayaa u diidday in damaanad lagu sii daayo afar qof oo Soomaali ah oo ku eedeysnaa weerarkii ka dhacay xaruntii ganacsi ee magaalada Nairobi bishii September.

Maxkamadda ayaa go'aamisay in aan la sii deyn karin afartan dhallinyarada ah, iyada oo sabab uga dhigtay in cabsi xagga ammaanka ah iyo la soo farageliyo kiiska.

Afartan qof oo la sheegay inay ajnabi yihiin ayaa waxa magacyadooda lagu sheegay, Mohammed Ahmed Abdi, Liban Abdullah, Adnan Ibrahim iyo Hussein Hassan.

Dalka ay u dhasheen lama sheegin - laakiin waxa ay u muuqdaan in afartoodaba ay Soomaali yihiin.

Waa raggii ugu horreeyay ee lagu soo ogo dacwad la xiriirta weerarkii Kenya.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in afartan qof ay ku eedeysan yihiin inay hoy siiyeen raggii soo weerarray Westgate oo ay ku hayeen xaafadda Eastleigh.