Dareenka hogaamiyayaasha caalamka

Image caption Hogaamiyayaasha caalamka ayaa dareenkooda ka dhiibtay dhimashada Mandela.

Madaxda caalamka iyo kuwii hore ayaa tacsi u diray Nelson Mandela. Madaxweyne Obama, ayaa sheegay in Mr Mandela uu ku guulaystay in ka badan intii laga filayay qof bini'aadan ah, wuxuu waayay xoriyadiisa si uu xoriyad ugu helo dadka kale ayuu yiri. Mr Obama ayaa sheegay inuusan ka fikiri karin noloshiisa tusaalihii uu Mandela uu muujiyay la'aantiis.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban ki- moon, ayaa ku tilmaamay qof aad ugu wayn cadaalada oo saamayn ku yeeshay dad badan adduunka halganka uu u galay qiimaha bini'aadanka, sinaanta iyo xoriyada.

Xisbiga Mandela ee talada haya ee Afrikan National Party, ayaa sheegay in Koonfur Afrika iyo aduunka ay dhumiyeen qof aad ugu wayn sinaanta, cadaalada iyo nabada.