Qarax ka dhacay Bossaso

ciidamada amniga ee Puntland

Ugu yaraan siddded qof oo askar iyo shacab isugu jira ayaa ku dhintay weerar is-qarxin ahaa oo aroortii khamiista ka dhacay magaalada Bossaso ee maamulka Puntland ee Somalia.masuuliyiinta iyo ciidanka police ee Bossaso ayaa sheegay in saddex askari iyo afar qof oo shacab ah iyo qofkii is-qarxiyey ay dhinteen.

Sida uu BBC u xaqiijiyey wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan,waxaa ku dhaawacmay weerarka 37 qof oo isugu jira lix askari iyo 31 shacab ah.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in uu weerarka ka dambeeyey qof watay gaari yar oo lagu soo rakibay walxaha qarxa oo intuu la fiirsaday,kuna dhuftay gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidamada Puntland oo suuq wax ka iibsanayey,waxaana halkaa ku burburay gaarigii askarta siday.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamad Faroole oo ku eedeeyey xarakada Shabab in ay ka dambeysay weerarka ayaa u tacsiyeeyey intii ku dhimatay.

Xarakada shabaab ilaa hadda kama aanay hadlin weerarkii ka dhacay magaalada Bossaso.