Qarax weyn oo ka dhacay Yemen

Yemen

Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday baabuur ayaa lala eegtay dhismaha wasaaradda gaashaandhigga Yemen.

Saraakiil ku sugan magaalada caasimadda ah ee Sanca ayaa sheegaya in 20 qof lagu dilay qaraxaasi isla markaana ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 30 kale.

Qaraxa ayaa waxaa xigay tacshiirad, iyadoo rag xiran lebiska ciidamada militariga dalkaasi ay rasaas ku fureen albaabka hore ee dhismahaasi.

Ilaa haatan lama oga cidda ka dambeysay qaraxaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkaasi uu leeyahay qaabka weerarada uu gaysto ururka Al-Qaacida.

Weriya ka tirsan BBC-da oo ku sugan Sancaa ayaa sheegaya in mid ka mid ah wasiirrada dowladda dalkaasi Yemen uu weerarkaasi ku eedeeyay dad xiriir la leh madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Cabdalla Saalex.

Tiro ka mid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa la sheegayaa in sidoo kale halkaasi lagu dilay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan