Iraan oo ka digtay cunaqabatayn dheeri ah

Iraan
Image caption Xarunta Aaraak ee Niyukiliyarka Iraan

Wasiirka arrimaha dibedda ee Iraan ayaa ka digay in heshiiski dhawaantan dalkiisu la gaartay quwadaha adduunka uu halis ku jiro haddii cunaqabatayn dheeri ah la soo rogo.

Maxamad Jawaad Dariif ayaa hadalkan soo saaray iyadoo xubno ka tirsan aqalka Kongres-ka ee Maraykanka sheegeen inay ka fakarayaan cunaqabatayn dheeri ah oo Iraan lagu soo rogo.

Wasiirkan Iraan ayaa sheegay in Iraan aanay marnaba wadahaddallo geli doonin iyadoo uu saaran yahay culays.

Heshiiska Iraan iyo quwadaha adduunka ayaa dhigayo in Iraan ay hoos u dhigto tayaynta macdanta Yuraaniyamta ee Niyukiliyarka laga sameeyo.

Image caption Wasiirka arrimaha dibedda Iraan

Iraan ayaa beddelkeeda laga dhimi doonaa cunaqabataynta saaran.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa horey ugu baaqey aqalka Kongres-ka ee Maraykanka in Iraan aan lagu soo rogin cunaqabatayn dheeri ah.