Madaxda adduunka oo tegayso xuska

Mandela
Image caption Dhowr maalmood kaddib geerida Mandela, dadka weli way baroordiiqayaan

Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in 60 madaxweyne iyo ra'iisalwasaare ay ka soo qeyb galayaan xuska loo samayn doono Nelson Mandela.

Waxaa la filayaa in Mandela la aaso 15-ka bishan December.

Mandela ayaa ahaa madaxweynihii ugu horrey ee madow ahaa ee dalka Koonfur Afrika.

Maalintii Axadda malaayiin ruux oo dunida ku nool ayaa ka qeybqaatay duco loo samaynayay Nelson Mandela.

Madaxweynaha Barack Obama iyo madaxda Faransiiska iyo Britain ayaa ka mid ah hoggaamiyayaasha dunida ee booqan doono Koonfur Africa si ay ugu qeybqaataan xuska loo samayn doono Mandela.

Afar maalmood kaddib markii uu dhintay Mandela, waxaa weli dalka Koonfur Afrika ka socda kulamada lagu xusayo Mandela.