Madaxa Ikhwaanka oo maxkamad la soo taagay

Badiic
Image caption Hoggaamiyaha Ikhwaanka Badiic ayaa markii ugu horreysay maxkamad la soo taagay tan iyo markii la xiray August

Hogaamiyaha ururka Ikhwanul Muslimiinka Maxamad Badiic ayaa markii ugu horreysay ka soo muqday maxkamad tan iyo markii la xiray dabayaaqadii bishii August.

Xiritaanka Badiic ayaa qeyb ka ahaa howlgallo ka dhan ah taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiinka kaddib markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi.

Badiic ayaa maxkamadda lala soo taagay 14 ka mid mas'uuliyiinta ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Waxaa lagu eedaynayaa inay dadka kiciyeen oo rabshado sababeen.

Badiic ayaa beeniyay eeaymahaas, waxaa uuna weydiiyay sababta aan loo baarin dilka wiilkiisa iyo gubidda xafiiska ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Arrintan ayaa imanayso iyadoo taageerayaasha Ikhwaanul Muslimiinka ay sii wadaan dibedbaxyada lagu taageersan yahay Mursi.

Boliiska ayaa maanta galay Jaamacadda Azhar si ay u kala diraan arday halkaas ku dibedbaxaysay.