Tayland oo looga dhawaaqay doorashooyin

  • 9 Disembar 2013
Tayland
Ra'iisalwasaaraha Tayland aya ku dhawaaqday doorashooyin cusub.

Ra'iisalwasaaraha Tayland, Yingluck Shinawatra, ayaa kala diraty baarlamaanka kuna dhawaaqay doorasho cusub.

Arrintan ayaa ka dambeysay dibadbaxyo toddobaad ka badan ka socday caasimada dalkaas ee Bangkok.

Axadii lasoo dhaafay ayay mudanayaasha mucaaradka ee baarlamaanka is casileen

Dibadbaxayaasha ayaa mar kale ku hor muddaaharaaday xafiiska ra'iisalwasaaraha.

Yingluck ayaa ku guulaysatay doorashadii dalkaasi ka dhacday sanadkii 2011-ka.

Balse dibadbaxayaasha ayaa sheegaya in xukuumadeeda uu maammulo Thaksin Shinawatra, oo ay walaalo yihiin, isla markaana dalka dibadiisa musaafuris ku jooga.

Tayland
Doorashooyin ayaa looga dhawaaqay dalkaas kaddib toddobaadyo ay dibedbaxyo socdeen.

"Marxaladan ay dad badani diidan yihiin dowladda, waxa ugu wanaagsan ayaa ah in awoodda dib loogu celiyo shacabka Tayland, lana qabto doorasho, sidaa darteed dadka Thailand ayaa go'aansanaya." ayay tiri Ra''isalwasaare Shinawatra.

Doorashada ayaa la filayaa in ay dhacdo 2-da bisha February, sida ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Tayland.

Dorashadii dhacday bishii July 2011-kii, xisbiga ay hoggaamiso Yingluck ee Pheu Tay, ayaa ku guuleystay 265 kursi, halka xisbiga la tartamayay ee Democrat Party uu helay 159 kursi.

Xisbiga Pheu Tay ayaa inta badan taageeradiisa ka hela dadka saboolka ah iyo kuwa ku nool miyiga wadankaasi. Waxaa la filayaa in uu guul ka gaaro doorashada soo socota.

Weriyaha BBC-da uga soo warramo caasimada Bangkok ayaa sheegaya in ku baaqidda doorashada aysan qancin doonin inta badan dibadbaxayaasha oo ku doodaya in loo baahan yahay in la baddelo hannaanka dimuqraadiyada ee dalkaas.

Dibadbaxayaasha dowladda kasoo horjeeda oo ku baaqaya in xukuumada lagu badalo "Guddi Dadweynaha matalo".

Tayland
Tayland
Tayland
Tayland