Weriyayaal lagu xukumay Muqdisho

Shabeelle
Image caption Maammulaha Idaacadda Shabeelle iyo weriye ka shaqeeyo idaacadda ayaa xarig lagu xukumay

Maxkamad ku taalla Muqdisho ayaa xarig ku xukuntay gabar sheegtay in la kufsaday.

Waxaa kale oo gabartan lala xiray labo weriye oo iyagu ka warramay kufsiga ay sheegatay.

Gabadhan, oo 19 jir ah, ayaa lagu xukumay 6 bilood oo xabsi guri ah.

Waxay ku sugnaan doontaa gurigeeda muddada lixda bilood ee soo socota.

Waxaa lagu helay dambi ah inay been sheegtay oo ay dadna magaca ka dishay.

Maammulaha Idaacadda Shabeelle, Cabdimaalik Yuusuf, ayaa isaguna lagu xukumay hal sano oo xarig ah.

Maxamad Bashir oo ah weriyaha arrinta kufsiga ka wareystay gabasha ayaa isaguna lagu xukumay lix bilood oo xarig ah.

Idaacadda Shabeelle ayaa hawada ka baxday bishii Oktobar kaddib markii boliisku soo weerareen xarunteeda oo ay la wareegeen.

Gabar kale oo sanadkan billawgiisa sheegtay in la kufsaday ayaa sidan okale horey loogu xiray.