Xuska Mandela oo soo gabagaboobay

Mandela

Kumanaan kun oo ruux ayaa ka qeybgalay xus loo samaynayay Hoggaamiyihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela.

Dadweynahaka qeybqaatay xuska ayay ku soo biiray madaxda caalamka ee ka kala socda dowlado kala duwan.

Madaxweynayaasha Maraykanka, Faransiiska iyo Kuba ayaa ka qeybgalayo xuska Mandela.

Ku dhawaad 100 hoggaamiye oo caalami ah ayaa ka qeybgalay xuska hoggaamiyahaas hore.

Waxaa la filayaa in Mandela la aaso 15-ka bishan December.

Mandela ayaa ahaa madaxweynihii ugu horrey ee madow ahaa ee dalka Koonfur Afrika.

Waxaa uu astaan u noqday halganka kaddib markii uu xabsiga ku jiray muddo 27 sano ah.

Mandela ayaa markii uu xabsiga ka soo baxay madaxweyne ka noqday Koonfur Afrika.

Waxaa uu dalkiisa ku hoggaamiyay hanaan ku dhisan is cafis iyo dib u heshiisiin.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan