Safaf ayaa loo galay daawashada Mandela

Mandela

Maydka Nelson Mandela ayaa la dhigay dhismo dowladdu leedahay ee magaalada Pretoria, ee caasimadda dalkaas

Waxaa madaxda iyo dadweynaha loo fasaxay inay macasalaameeyaan Mandela.

Gurigan ayaa haatan magaca loo baddelay oo loogu magacdaray Mandela,

Goobtan ayaa ah goobta lagu dhaariyay Mandela markii loo doortay jagada madaxtinimada.

Waxaa uu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Madow ah ee dalkaasi sanadkii 1994.

Naxashkiisa oo lagu daday calanka dalka ayaa la soo dhexmarsiiyay dad ku sugayay jidadka hareerihiisa oo safaf ku jiray.

Waxaa la socday mootooyin lagu xushmenayay, iyadoo diyaaradao helicopterro ahna ay dul socdeen.

Militeriga ayaa u garaacay mussigga inta la soo waday naxashaka Mandela.