Falaagada Suuriya oo kaalmo laga joojiyay

Syria

Maraykanka iyo Britain ayaa joojiyay kaalmadii ay u fidin jireen mucaaradka Suuriya.

Tallaabadan waxay ka dambaysay markii kooxo Islaami ah ay la wareegeen fariisimo ay lahaayeen Ciidanka Xoraynta Suuriya ee taageerada ka heli jiray reer galbeedka.

Isbahaysi cusub oo la magac baxay Jabhadda Islaamiga ayaa la wareegay xadka Suuriya iyo Turkiga ee Babal Xawa.

Kaalmada ay Maraykanka iyo Britain siin jireen mucaaradka kuma jirin saanad militeri.

Waxay bixin jireen dawada, baabuurta iyo qalabka isgaarsiinta ee ay adeegsadaan mucaaradka.

Reer galbeedka ayaa ka gaabsanayay inay hub siiyaan mucaaradka Suuriya iyagoo ka cabsi qabo in hubkaas uu gacanta u galo kooxaha Islaamiga ee xiriirka la leh ururka Al Qaacida.

Afhayeen u hadlay Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono dhaqaalaha uu siiyo hay'adaha gargaarka ee ka howlgalo Suuriya.

Image caption Islaamiyiinta Suuriya ayaa u muuqda kuwa ugu xoogga badan mucaaradka hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan