Walwal laga qabo xasiloonida Kuuriya

Woqooyiga Kuuriya

Waxaa walwal laga qabaa xasiiloonida woqooyiga Kuuriya kaddib markii la daldalay ninka awoodda badnaa ee adeerka u ahaa hoggaamiyaha dalkaas.

Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in ay daldaldashay Jang Song-taek - oo adeer u ahaa hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un.

Jhang Song-taek ayaa horey u ahaa nin awood badan ku dhex leh dalkaas.

Pyongyang ayaa sheegtay in maxkamad milateri oo gaar ah ay ninkan ku heshay danbi ah in uu doonayay in si xoog ah uu kula wareego awooda dalkaasi.

Warkan ayaa sababay in caalamka uu ka walwalo xasiloonida dalkaasi shuuciga ee haysta hubka Nukliyarka.

Madaxweynaha Koonfur Kuuriya Geun-Hye, ayaa ku eedeeyey Waqooyiga Kuuriya, in ay fuliyeen xukun argegax leh.

Billawgii toddobaadkan ayay ciidan ilaalo ah Jan ka soo saareen shir gaar ah oo uu lahaa xisbiga talada hayo ee dalkaas.

Wakaaladda wararka ee Woqooyiga Koreya ayaa sheegtay in Jang Song-taek "uu ka xun yahay xayawaanka eyga ah".

Jan ayaa tababr siiyay