Masar oo qaban doonta afti dastuur

Dowladda kumeel gaarka ee Masar ee uu milatarigu taageero, ayaa sheegtay in la qabanayo aftida dastuurka cusub ee qabyada ah afar iyo tobanka iyo shan iyo tobanka Janaayo.

Isagoo jeediyay qudbo uu dadka kula hadlayo ayuu madaxweynaha Masar Adly Mansour, uu ku dhiirigaliyay dadka inay codeeyaan.

Dastuurka ayaa loo arkaa talaabada ugu horaysa, ee lagu soo celinayo dalkadowlad la doortay, kadib markii xukunka laga qaaday Maxamed Morsi bishii July.

Kooxo badan ayaa ka soo horjeeda dastuurka qabyada ah, sababtoo ah waxay siinaysaa awood gaar ah ciidamada ammaanka iyo in dacwado milatari lagu qaado dadka rayadka.