Qasa: Saldhiga korontada oo shidaal helay

Image caption Fatahaadaha Qasa oo ka dhashay roobab socday afar maalmood.

Saldhiga korontada ee Qasa ayaa dib u bilaabaya shaqadiisa, kadib markii Israel ay ogolaatay in shidaal looga keeno Qadar.

Israel ayaa ogolaatay, in gaariyayaal wada afartan iyo shan kun oo litre oo shidaal ah in la keeno Qasa kadib baaq ka yimid dowladda Xamaas.

Qasa ayaa waxay aragtay fatahaado badan, kadib afar maalmood oo roob socday, oo dilay laba qof barakaciyayna afartan kun oo qof.

Saldhiga korontada ayaa shaqadiisa ay joogsatay laba bilood. Shidaalka hadda loo keenay ayaa ku filnaan doona sagaashan maalmood.