Mandela oo la aasay

Image caption Tuulada Qunu ee Mandela lagu aasay

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ayaa lagu aasay tuuladii uu ka yimid ee Qunu ee bariga Cape.

Waxaa loo sameeyay, aas qaran oo ay ka soo qayb galeen afar kun iyo shan boqol oo qof. Hogaamiyayaasha Afrika, saaxiibadiis iyo reerkiisa ayaa ka hadlay nolosha Mandela.

Mandela oo labaatan iyo toddobo sano xirnaa, ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo madow ah ee Koonfur Afrika.

Aaska ayaa ku bilaabmay dhaqanka qabiilka Nelson Mandela ee Xhosa.

Waxay ku bilaabatay rasaasta milatariga ee salaanta, markii maydkiisa laga soo qaaday tuuladiisa oo la keenay meeshii aaska loogu samaynayay.

Masawirkiisa hoostiisa ayaa waxaa yaalay sagaashan iyo shan shumac, oo matalayay sanadihii uu noolaa.

Maydkiisa waxaa la saaray calanka Koonfur Afrika. Helikobtaro ayaa cirka duulayay oo sida calanka Koonfur Afrika, iyo diyaarado qiiq sii daynaya.