Tunisiya: Heshiiska mucaaradka iyo dowladda

Image caption Dhexdhexaadiyiinta wadaxaajoodka Tunisia.

Siyaasiyiinta Tunisiya ayaa ku heshiiyay Raii'salwasaare cusub, Mehdi Jomaa, kadib wadaxaajood dheer oo u dhaxeeyay xisbiga talada haya ee Ennahda, iyo mucaaradka.

Mr Mehdi, oo ah Wasiirka warshadaha, ayaa hogaamin doona dowlad ku meel gaar ah ilaa doorashada la qabto sanadka danbe.

Magacaabida ayaa qayb ka ah, heshiis in dowladda ay xukunka ka degto si loo dhameeyo dhibaatooyinka siyasadeed ee ka bilaabmay dilkii mucaaradka Maxamed Brahimi bishii July.

Mr Mehdi ayaa ka mid ahaa lix magac oo la soo gudbiyay inay Ra'iisalwasaare noqdaan.