Madaxweynaha Chile waa Bachelet

  • 16 Disembar 2013
Bashlet
Mishel Bashlet ayaa ku guulaysatay doorashada madaxtinimo ee dalka Shili

Musharraxa garabka bidix Michelle Bachelet ayaa loo doortay inay madaweyne ka noqoto dalka Chile.

Waxay ka guulaysatay haweenayda kale ee la tartamaysay ee Evelyn Matthei.

Bachelet ayaa madaxweyne ka noqotay dalka Chile sanadkii 2006-da ilaa 2010-ka.

"Waxaan ku faraxsanahay natiijada doorashada, waxaana madaxweyne u noqon doonaa dadka reer Chile oo dhan," ayay tiri Bachelet.

Bachelet ayaa noqonayso qofkii ugu horrey ee laba jeer la soo doorto tan iyo xukunkii militeri ee Augusto Pinochet ee sanadihii 1973 ilaa 1990-kii.

Efelin Matey
Bashlet waxay ka guulaysatay Efelin Matey oo ah haweenayda kale ee la tartamaysay

Haweeneyda kale ee la tartamaysay Evelyn Matthei ayaa sheegtay inay oggolaatay natiijada doorashada.

"Way iska caddahay inay guulaysatay," ayay ku tiri taageerayaasheeda.

Labadan gabdhod ee ku tartamayay jagada madaxtinimo ee Chile ayaa la sheegayaa inay isku xaafad ku soo koreen, oona ay wada cayaari jireen markay yaraayeen.