Xasan Sheekh: Hala joojiyo dagaalka

Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqey dhinacyada ku dagaallamayo gobollada koonfureed inay joojiyaan dagaalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisu tallaabo adag ka qaadi doonto dadka mas'uulka ka ah dagaalka sokeeye ee Shabeellada Hoose iyo gobollada kale ee deriska la ah.

Waxa uu dadweynaha ugu digay in dadka dagaalka wado ay yihiin kuwa ka soo horjeeda nabadaynta dalka ka socota.

Qaar ka mid ah odayaasha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku eedeeyay ciidammada dowladda inay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada dagaallamayo.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaguna si kala duwan uga hadlay dhibaatada dagaallada sokeeye.

Balse madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisu ay gebi ahaanba ka soo horjeeddo daagaallada.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan