Dad loo xiray gudniinka fircooniga

  • 18 Disembar 2013
Gudniin

Boliiska Tanzania ayaa xiray ugu yaraan 38 ruux, oo dumar u badan, oo lagu eedeeyay inay ku kaceen gudniin fircooni ah.

Dowladda ayaa boolis u dirtay goobta laga soo xiray dumarkaas kaddib markii lagu wargeliyay in deegaanka uu ka jiray ciyaar dhaqameed laga shakiyay.

Waxaa halkaas laga soo xiray waalidiin, qaraabo iyo dad kale oo looga shakisan yahay inay si sharci darro ah u gudeen 20 gabdhood.

Qaar ka mid ah gabdhahan ayaa la sheegay inay saddex sano jir yihiin.

Gudoomiyaha degmada Moshi, oo ay arrintan ka dhacday, Herman Kapufi, ayaa sheegay in qaar ka mid ah gabdhahan la guday ay weli dhiig baxayaan.

Takhaatiirta ayaa ka shaqeynaya sidii loo daweyn lahaa gabdhahan.

Gudniinka Fircooniga ayaa dalka Tanzania laga mamnuucay 1998.

Balse ku dhaqanka gudniinka ayaa la sheegayaa inuu caadi ka yahay deegaannada dadkan laga soo xiray ee dalka Tanzania.

Dumarka ayaa la sheegayaa in lagu qasbo in la gudo ama ay waayaan cid guursato.

Sanad ka hor, ayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobeey waxaa uu si aan kala har lahayn u meel mariyay sharci dhigayo inuu mamnuuc yahay gudniinka fircooniga.

Waxay sheegeen inuu caqabad ku yahay xuquuqda dumarka uuna halis gelinayo caafimaadkooda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan