Barnaamijka dabagalka "waa sharci darro"

NSA

Maxkamad ku taalla dalka Maraykanka ayaa sheegtay in barnaamijka dabagalka ee sirdoonka Maraykanka uu yahay mid sharci darro ah.

Barnaamijkan ayaa lagu dabagalaa telefoonnada iyo farriimaha intarnet-ka ee malaayiin ruux oo dunida ku nool, waxaana shaaca ka qaaday ninka horey ula shaqeyn jiray sirdoonka Maraykanka ee Edward Snowden.

Xaakinka maxkamadda ayaa sheegay in ururinta macluumaadka ee uu daaha ka qaaday Snowden, ay tahay mid aan kala sooc lahayn.

Waaxda caddaalada Maraykanka ayaa sheegtay inay ka baaraandegayso xukunka maxkamadda.

Istiwat Bekar, oo horey qareen ugu ahaa Hay'adda Ammaanka Maraykanka ee NSA, ayaa sheegay in xukunka uu dhibaato ku yahay dowladda Maraykanka.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka, Jay Karney, ayaa isaguna sheegay in dib u eegis lagu samaynayo qaabka ay hay'adaha ammaanka ee Maraykanka u ururiyaan wararka.

Afhayeenka ayaa intaasi raaciyay in aysan jirin wax cafis ah oo ay dowladda Maraykanka u fidinayso ninka baxsadka ah ee horey ula shaqeyn jiray sirdoonka Maraykanka ee Edward Snowden.