Dagaallada Juba oo 60 askari ku dhinteen

Kiir

Dagaallada laba maalmood ka socday magaalada Juba ee Koonfurta Suudaan waxaa ku dhintay 60 askari.

Warkan waxaa laga soo xigtay takhtar ka shaqeeya isbitaal ay leeyihiin militeriga.

Magaalada waxaa laga maqlayay israsaasayn maalin kaddib markii madaxweynaha dalkaas sheegay inay fashiliyeen afgembi.

Waxaa jiro warar sheegaya in hub culus lais weydaarsaday Talaadada, ku dhawaad 24 saacadood kaddib markii uu madaxweyne Salfa Kiir sheegay in dowladdu gacanta ku hayso Juba.

Madaxweynaha ayaa horey u sheegay in militeriga dalkaas uu fashiliyay afgembi uu qabanqaabiyay mid ka mid ragga ay siyaasadda isku hayaan.

Waxaa uu eedda dusha uga tuuray madaxweyne kuxigeenkii hore Riyek Mashaar.

Qaramada Midoobay ayaa walwal ka muujisay arrintaas, waxayna ugu baaqday dhamaan dhinacyada halkaas isku hayo inay isxakameeyaan.

Kumanaan ruux ayaa gabbaad ka dhigtay xarunta Qaramada Midoobay ku leedahay Juba.

Koonfurta Suudaan ayaa xornimadeeda ka qaadatay Suudaan-ta kale sanadkii 2011-ka, kaddib tobanaan sano oo labada dhinac ay dagaallamayeen.

Xiisad ayaa ka aloosnayd dalkaas tan iyo markii madaxweyne Salfa Kiir Mayardit uu xilka ka qaaday madaxweyne kuxigeenkiisii hore Riyek Mashar.

Mashar ayaa horey u sheegay inuu doonayay inuu Kiir kula tartamo doorashada madaxweynenimo ee la qaban doono sanadka 2015-ka.

Mashar ayaa ka soo jeeda qabiilka Nuweer ee ku eedeeyo qabiilka Kiir ee Dinka inay talada isku koobeen.