Takhaatiir lagu dilay Muqdisho

Muqdisho
Image caption Qaraxyo iyo weerarro ayaa weli ka dhaca Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay lix ruux oo ay ku jiraan saddex takhtar oo u dhashay dalka Suuriya.

Takhaatiirtan ayaa u safrayay meel dibedda ka ah magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu weeraray waddada isku xirto Muqdisho iyo Afgooye.

Ururka Al Shabaab ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in iyagu aanay gaysan dilka.

Al Shabaab ayaa weerarro ka gaysta Muqdisho tan iyo markii ay ka baxeen magaalada sanadkii 2011-ka.

Agaasimaha Isbitaalka Fiqi, Dr Cabdiraxmaan Sheekh Fiqi, ee ay ka shaqeynayeen takhaatiirta la dilay, ayaa BBC-da u sheegay inaan loo soo jeedin wax hanjabaad ah ka hor dilkan.

Ururka Al Shabaab ayaa laga saaray inta badan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.

Balse waxay weli gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.