Dacwad oogaha ICC: Ma hayo caddeymo ku filan dacwadda Uhuru

  • 20 Disembar 2013
Uhuru Kenyatta

Dacwad oogaha maxkamadda dambiyada ee adduunka Fatou Bensouda ayaa sheegtay in aanay hayn caddeymo ku filan dacwadda madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Uhuru Kenyatta ayay dacwad uga socotaa maxkamadda dambiyada ee adduunka ee ICC.

Waxaa lagu eedeynayaa inuu ka dambeeyay qalalaasihii xigay doorashooyinkii muranka dhaliyay ee dalka laga qabtay sanadkii 2007-da.

Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto ayay isaguna dacwad taas la mid ah uga socotaa isla maxkamadaas.

Waxaa haatan suuragal ah in dib loo dhigo dacwadda Kenyatta.

Madxweyne Kenyatta ayaa diiddan eedaha ah inuu galay danbiyo ka dhan ah aadanaha, kaddib doorashooyinkii 2007-da.

In ka badan 1,000 ruux ayaa lagu dilay rabshadahaas, kumanaan kalena waxaa lagu qasbay in ay isaga cararaan guryahooda.

Waxaa la filayay in dhagaysiga dacwadda Kenyatta ay billaabato 5-ta bisha labaad ee February.