Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya oo la dhaariyay

Cod qaadis uu sameeyay gudoonka baarlamanka ayaa xildhibaanada waxay ku ansixiyeen Ra'iisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiwali Axmed Maxamed.

Waxaa u codeeyay Ra'iisalwasaaraha 239 xildhibaan.

Ra'iisalwasaaraha cusub ayaa la dhaariyay markii la ansixiyay. Ra'iisalwasaaraha oo qudbad ka jeediyay baarlamaanka ayaa ka hadlay waxa ay dowladiisa qaban doonto, gaar ahaan amniga.

Wariyaha BBC Maxamed Ibraahin Mocallimo, ayaa warbixintan ka soo diray.