Machar: Waan haysanaa badi dalka

Image caption Dad badan ayaa ka qaxaya guryahooda iyagoo ka baqaya in la soo weeraro.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee koonfurta Sudan, Riek Machar, ayaa sheegay in askartiisa ay la wareegeen gobolka shidaalka soo saara ee ee Unity ayna hadda gacanta ku hayaan waddanka intiisa badan.

Majiro si madax banaan oo loo xaqiijiyo. Mr Machar ayaa BBC u sheegay inuu la wadaxaajood doono dowladda, markii la soo daayo siyaaiyiinta dhawaan la xiray.

Wuxuu sheegay taliyihii ciidamada Jeneral James Koang, inuu gobolka Unity kaga baxsaday dowladda.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa sheegay inuu u dirayo ergaygiisa gaarka ah ee Donald Booth magaalo madaxda Koonfurta Sudan ee Juba, si loo dhiiri galiyo wadahadal labada dhinac ee iska soo horjeeda.

Kadib dagaaal socday toddobaad oo ay ku dhinteen ugu yaraan shan boqol oo qof, Mr Kerry, ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha Koonfurta Sudan inay xakameeyaan kooxaha hubaysan ee hoos yimaada.

Diblomaasi sare oo Faransiis ah, Gerard Araud, ayaa sheegay in madaxweyne Salva Kiir uu ogolaaday inuu wadahadal sharuud la'aan ah galo.

Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka dariska la ah koonfurta Sudan ayaa la filayaa inay dhex dhexaadiyaan labada dhinac.