Masar: Saddex loo xukumay banaanbax

Maxkamad ku taala Magaalo madaxda Masar ee Qaahira, ayaa ku xukuntay saddex sano, saddex nin oo u ololeeya dimoqraadiyada qaybtii ay ku lahaayeen banaanbax u danbeeyay.

Axmed Maher, Axmed Douma iyo Moxamed Cadel ayaa ah dadkii ugu horeeyay ee lagu xukumo sharciga cusub ee banaanbaxa ee aan ahayn islaamiyiin.

Saddexda nin ayaa ka ahaa hogaamiyayaal banaanbaxyadii 2011ka ee lagu riday Xusni Mubaarak.

Dowladda masar ayaa xirtay kumanyaal islaamiyiin ah, laakiin hadda waxay beegsanaysaa dadka u ololeeya dimoqraadiyada iyo xoriyada.