Tareen jidkii ka baxay Nairobi

Image caption Tareenka ayaa dhinac u dhacay guryaha korkooda.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay magaalada Nairobi, markii tareen xamuul uu wadada ka baxay xaafad ay dadka saboolka ah degan yihiin.

Bisha cas Kenya, ayaa sheegtay in dad ay ku hoos jiraan tareenka kadib markii uu ugu dhacay dhinac guryaha korkood.

Wararka qaar ayaa sheegaya, haamo ay ku jiraan shidaal in shidaalka uu ku daadanayo jidka tareenka.

Dad badan ayaa loo qaaday Isbitaalka Kenyatta.