Xaqiijinta qabsashada gobolka Unity

Image caption Dad badan oo ajnabi ah ayaa ka baxaya koonfurta Sudan iyadoo ay istaageen duulimaadyadii.

Ciidanka koonfurta Sudan ayaa xaqiijiyay in Bentiu, magaalo madaxda gobolka Unity ee shidaalka soo saara, ay la wareegeen askarta daacada u ah madaxweyne ku xigeenkii hore Riek Machar.

Dagaalka ayaa socday toddobaad, waxaana jiray warar is qilaafsan cida haysata saldhiga shidaalka oo muhiim u ah dhaqaalaha dalka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay shaqaalaheeda ka bixinayso waddanka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain William Hugue, ayaa cambaareeyay dagaalka, isagoo ku tilmaamay qiyaamo rajadii laga lahaa waddanka cusub.

Koonfurta Sudan ayaa noqotay waddan madaxbanaan 2011ka, kadib dagaal sokeeye oo mudo dheer ka socday Sudan.