Turkey: Wasiir codsaday inuu is casilo

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkey, Muammer Guler, ayaa waydiistay inuu is casilo kadib markii la xiray wiilkiisa oo loo haysto musuqmaasuq.

In ka badan labaatan qof oo u dhow dowladda Ra'iisalwasaare Racep Tayyip Erdogan ayaa la xiray.

Laakiin Mr Guler, ayaa beeniyay inuu qalad galay, isagoo sheegay inay ku xiran tahay Ra'iisalwasaaraha inuu aqbalo iscasilka uu waydiistay.

Istanbul kumanaan qof ayaa ku banaanbaxay iyagoo waydiisanaya in dowladda Erdogan ay is casisho.

dadka banaanbaxaya ayaa boliiska ku kala eryay biyo iyo gaaska ilmada keena.