Askar lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho
Image caption Qarax ayaa lala beegsaday xarun militeri oo ku taalla Dayniile

Ugu yaraan 11 ruux oo ay ku jiraan dhowr askari ayaa lagu dilay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Askarta la dilay ayaa la sheegayaa in mushaarkooda ay ka qaadanayeen xarun militeri oo ku taalla Degmada Dayniile.

Dhaawaca ayaa la sheegayaa in loo qaaday Isbitaallada Muqdisho.

Ilaa haatan lama oga waxa sababay qaraxa iyo cidda mas'uulka ka ah.

Ururka Al Shabaab ayaa horey u sheegay inuu fuliyay qaraxyo kan la mid ah oo ka dhacay Muqdisho.

Al Shabaab ayaa ka baxday Muqdisho sanadkii 2011-ka.

Waxay gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya in kasta oo laga qabsaday inta badan magaalooyinka waaweyn.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan