Wasiir hore oo lagu dilay qaraxa Lubnaan

Lubnaan

Qarax weyn ayaa ka dhacay caasimada Lubnaan ee Beirut, kaas oo ay ku dhinteen wasiir hore iyo afar ruux oo kale.

Warbaahinta qaranka dalkaasi ayaa sheegtay in ugu yaraan 50 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Wasiirkan hore Maxamad Shatax ayaa lataliye u ahaa Ra'iisalwasaarihii hore ee Sunniga ah, Sacad Al Xariiri.

Shatax ayaa soo qabtay jagada wasiirka maaliyadda ee dalkaas.

Goobjooge ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob boqolaal mitir u jirta xarunta dowladda iyo aqalka baarlamaanka dalkaas.

Dalka Lubnaan ayaa waxa ka dhacayey mowjado qaraxyo ah bilihii la soo dhaafay.

Sunniyiinta iyo Shiicada ayaa ku kala qeybsan dagaalka ka socda dalka Suuriya.

Mucaaradka Suuriya oo u badan Sunniyiin ayaa doonayo inay xukunka ka tuuraan madaxweyne Bashar Al Asad.

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa taageera militeri u fidiyay dowladda Suuriya.

Maxamad Shatax ayaa si weyn uga soo horjeeday madaxweynaha Suuriya iyo ururka Xisbullah.

Image caption Qaraxa ayaa beegsaday hoggaamiye Sunni ah
Image caption Hoggaamiyaha Xusbullah, Xasan Nasrallah, ayaa taageersan dowladda Suuriya halka Sunniyiinta Lubnaan ay ka soo horjeedaan
Image caption Horey ayaa qaraxyo loola beegsaday goobaha Shiicada ee Beirut