Arday lagu dilay jaamacada Al-Azhar

Arday taageeraysa kooxda Akhwaan Muslimiin ee laga mamnuucay Masar ayaa la dagaalamay boliiska gudaha jaamacada Al Azhar ee ku taal Qaahira. Arday ayaa ku dhintay iska hor imaadka.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ardayda ay isku dayeen inay joojiyaan imtixaan, kadibna ay kuliyada dhaqaalaha ay dabqabadsiiyeen markii boliiska uu kala eryay.

Boliiska ayaa xiray lixdan qof. Dilkan ayaa yimid maalin kadib, markii shan qof ay ku dhinteen iska horimaadyo boliiska iyo taageerayaasha maxamed Morsi.