Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hargaysa:Shaqo joojin baabuurta biyaha

Baabuurta booyadaha ee biyaha u soo dhaamiya qaybo ka mid ah magaalada Hargaysa, ayaa shaqo joojin ku dhaqaaqay iyadoo xaafado dhan ayan helin biyo.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed saciid Cige, wuxuu ku soo waramayaa in dadweynaha xaafadaha magaalada Hargeysa qaarkood banaanbax isugu soo baxeen duhurkii maanta, iyagoo ka cabanaya biyo la'aan kadib markii booyadaha biyaha dhaamiya oo shaqo joojin sameeyay saddexdii maalmood ee ugu danbeeyay.

Gudoomiyaha degmada Maxamuud haybe ee magaalada Hargeysa, Mawliid Keyse Muxumed, ayaa BBC u sheegay in laba ka mid ahaa dhallinyaro banaanbax ka qayb qaadaneysay uu dhaawac fududi ka soo gaadhay rasaas ay boliisku ku rideen dadweynihuu mudaaharaadayay maanta, gaar ahaan xaafadaha koonfurta Hargeysa. Magaalada ayaa haatan deggan.