20 ku dhimatay tareen Hindiya

In ka badan labaatan qof ayaa ku dhintay dab qabsaday tareen koonfurta Hindiya. Masuuliyiinta tareenada ayaa sheegay, in dabka uu qabsaday tareenka isagoo ku safraya habeenimo gobolka Adhra Pradesh.

Boliiska ayaa sheegay in dadka badanaa ay u dhinteen qiiq badan dartii. laba carruur ayaa ka mid ah dadka dhintay.

Masuuliyiinta ayaa sheegay inay baarayaan sababta dhalisay dabka, laakiin waxaa loo malaynayaa inay ka dhalatay cilad koronto.