Sacuudiga oo siinaya $3 bilyan Labnaan

Madaxwynaha Labnaan Michel Suleiman, ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay siinayso milatariga Labnaan saddex bilyan oo oo dollar oo gargaar. Mr Suleiman ayaa ku dhawaaqay gargaarka Sacuudiga isagoo ka hadlaya telefishinka aaskii wasiirkii hore ee maaliyada Maxamed Chatah kadib.

Taageerada gargaarka ayaa timid iyadoo laga walaacsan yahay in dagaalka Suuriya uu ku faafo Labnaan.

Sacuudi Carabiya iyo Xisbulah ayaa kala taageera labada dhinac ee ku dagaalamaya Suuriya,

Taageerayaasha Chateh, ayaa ku eedeyay Xisbulah inay ka danbaysay dilkiisa, iyadoo Xisbulah ay beenisay.