K Sudan: Waan difaacaynaa magaalada

Image caption Dad badan ayaa ka qaxaya magaalada Bor.

Dowladda Koonfurta Sudan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay ka difaacdo magaalada Bor maleeshiyada ku soo socoto ee daacada u ah hogaamiyaha mucaaradka ee Riek machar.

Afhayeenka Madaxweynaha, ayaa BBC u sheegay in ciidanka ay diyaar u yihiin inay isticmaalaan hubkooda markii maleeshiyada ay timaado.

Wuxuu sheegay in iska hor imaadyo ay dhaceen, wuxuuna beeniyay in maleeshiyada ay noqdeen.

In ka badan kun qof ayaa ku dhintay laba toddobaad oo uu dagaal ka socday Koonfurta Sudan.