Weriyayaal Al-Jazeera oo lagu xiray Masar

Masar

Boliiska dalka Masar ayaa xabsiga u taxaabay saddex weriye oo la shaqeeya TV-ga Qadar laga leeyahay ee Al-Jazeera.

Weriyayaasha waxaa ka mid ah madaxa xafiiska Al-Jazeera ee Qaahira, Maxamad Fadil Fahmi, iyo Peter Greste, oo horey ula shaqeyn jiray BBC-da.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in weriyayaasha la xiray ay shir sharci darro ah la yeesheen xubno ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo dalkaas laga mamanuucay.

Toddobaadkii tegay ayay dowladda Masar ku dhawaaqday in Ikhwaanul Muslimiinku yahay urur argegixiso.

Militeriga Masar ayaa xukunka ka tuuray madaxweynihii Islaamiga ee ay taageersanayeen Ikhwaanul Muslimiinka, Maxamad Mursi.

Tan iyo xilligaas, dowladda ay teegeeraan militeriga ee dalka Masar, ayaa billawday olole lagu xirxirayay madaxda iyo xubnaha ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar ayaa sheegtay in TV-ga Al-Jazeera uu tebinayay warar dhawaacayo amniga qowmiga ee dalkaas.

Image caption Dowladda Masar ayaa eedeeysay TV-ga Al-Jazeera

Dadka wax indhaindheeya ayaa sheegay in xaaladda warbaahinta dalkaas ay ahayd mid kacsan tan iyo markii xukunka laga tuuray Mursi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan