Weerar ka dhacay Mombasa

Kenya

Boliiska Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 10 ruux lagu dhawacay weera bambaano oo lgu qaaday goob lagu caweeyo meel bariga ka xigta magaalda dekada leh ee Mombasa.

Bambaanda ayaa lagu tuuray goob dalxiisayaashu ku badan yihiin magaalo lagu magacaabo Tandoori iaydoo waqtigaasi macaamisiha ay u dabbaldegayeen sandka cusub.

Dadkii weerarka soo qaaday ayaa baxsaday iyagoo adeegsanayo mootooyin.

Boliiska Kenya ayaa sheegay inaan la garanayn cidda ka dambeysay weerarka.

Dawaldda Kenya aya qaraxyada noocan oo kale ah ee ka dhaceyey dalkeeda labadii sano ee la soo dhaafay ku eedeynaysay ururka Al Shabaab.

Kooxdan oo xariir la leh ururka Al-Qaacida waxay horey Kenya uga dalbadeen inay ciidamdmaeeda kala baxdo Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah kuwa nabad ilaalinta ee midowga Africa ee AMISOM.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan