UN oo xabadjoojin ku baaqday

South Sudan

Qaramada Midoobay ayaa dhinacyada ku dagaallamaya South Sudan ugu baaqday inay xabadda joojiyaan.

Madaxa howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobeey, Hilde Johnson, waxay ku baaqday in la joojiyo qalalaasaha, xal siyaasadeedna la raadiyo.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay jiraan caddeymo muujinayo in dembiyo ay dheceen intuu socday dagaalka u dhexeeyo ciidamada taageersan madaxweyne Salva Kiir iyo hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar.

Waxaa la sheegayaa in dad gaarayo 200,000 oo ruux ay ka qaxeen guryahooda.

Hay'adaha gargaarka ayaa sheegaya in tobannaan kun oo ruux oo uu dagaalka ku qasbay inay guryahooda ka qaxaan ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.

Dadkan intooda badan waxay u qexeen nawaaxiga webiga Niilka, kadib markii ay ku gudbeen doomo iyagoo ka baxsanayay dagaalka magaalada Bor.

Weriye BBC-da ka tirsan oo tegay xerada dadkan ay sameysteen waxa uu sheegayaa in geedaha hoostooda ay hoy ka dhigteen.

Qaramada Midoobeey ayaa sheegtay in dhinacyada ku loollamaya South Sudan ay xadgudubyo gaysteen, balse ay dalkaas badbaadin karaan.

Ugu yaraan 1,000 ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen South Sudan tan iyo bartamihii bishii Decembar, xilligaas oo dagaalladu billawdeen.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan