Madaxii hore ee sirdoonka Rwanda "waa la dilay"

Patrick Karegeya

Boliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay in dalkeeda lagu dhex dilay madaxii hore ee sirdoonka dalka Rwanda.

Patrick Karegeya ayaa lagu dilay hotel uu ka degganaa caasimada Johannesburg.

Patrick Karegeya ayaa ahaa Kornayl sirdoonka Rwanda haystay ka hor inta aanay is khilaafin madaxweynaha Rwanda Paul Kagama oo ay saaxiibo ahaan jireen

Dowladda Rwanda ee uu hoggaamiyo Paul Kagame ayaa diiday inay ka dambaysay dilka Karegeya.

Karegeya ayaa ku noolaa dalka Koonfur Afrika lixdii sano ee la soo dhaafay, waxaana uu ku joogay dalkaasi magangelyo siyaasadeed.

General hore oo ciidanka ka mid ahaan jiray oo lagu magacaabo Fausten Kayuma Nyamwasa oo isagana musaafuris ku jooga Koonfur Afrika ayaa sheegay in dilka ninkan uu ahaa mid qorshaysan.

Safiirka dowlada Rwanada u fadhiyo Koonfur Afrika Vincent Karega ayaa maamulka Koonfur Afrika ka codsaday in si qoto dheer loo baaro dilkan si loo ogaado cidda ka dambaysay.

Mas'uuliyiin badan oo reer Rwanda ah ayaa ku nool waddamo badan oo reer galbeed ah waxayna la nool yihiin cabsi ah in la dilo.

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa lagu eedeeyaa inuusan dulqaad u lahayn mucaaradka ka soo horjeeda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan