Wadahadalka South Sudan oo billawday

South Sudan

Magaalada Addis Ababa ee Itoobiya waxaa ka billawday wadahadalka u dhexeeya dhinacyada ku daagaallamaya South Sudan iyadoo weli uu socda dagaalka.

Wafdiyada ka socda madaxweyne Salva Kiir Mayardit iyo madaxweyne kuxigeenkiisi hore, Riek Machar, ayaa horey u gaaray magaalada.

Labada dhinac ayaa haatan ka hadlayo sidii lagu gaari lahaa xabadjoojin kaddib saddex toddobaad oo dagaalladu socdeen.

Goor sii horreysay, ayaa taliyaha militeriga South Sudan sheegay in ciidammada dowladda ay ku sii siqayaan magaalada istaraatiijiga ee Bor.

Mucaaradka uu hoggaaminayo Riek Machar ayaa gacanta ku hayo magaalada Bor, oo caasimad u ah gobolka Jonglei.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay xabadda joojiyaan.

Maraykankana waxaa uu sheegay inuu la soo baxayo dhamaan shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Juba.

Urur goboleedka IGAD ayaa dhexdhexaadinayo Kiir iyo Machar.

Madaxweyne Salva Kiir ayaa ku eedeeyay Machar inuu ka dambeeyay afgembi dhicisoobay oo ka dhacay Juba.

Machar ayaa arrintaas beeniyay, waxaana uu sheegay in Kiir uu doonayo inuu ka takahluso dadka ka soo horjeeda.