Majed Al Majed oo geeriyooday

Image caption Majid al-Majid waxaa loo magacaabay hogaamiyaha Abdullah Azzam Brigades sanadkii 2012.

Ciidanka Labnaan ayaa sheegay in hogaamiyihii Alqacida ee Labnaan, Majed Al Majed uu xabsiga ku dhintay.

Mr Majed, oo u dhasahay dalka Sacuudi Carabiya, ayaa ahaa hogaamiyaha kooxda xiriirka la leh Alqacida ee Cabdallah Azzam Brigate, oo sheegtay inay ka danbaysay qaraxyo dhowaan lagu beegsaday Shiicada, oo ay ka mid tahay weerarkii safaarada Iran ee Beirut.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in Mr Al Majed uu u dhintay xanuun kalyaha oo uu jiranaa.

Bishii hore ayaa la xiray Al Majed iyadoo lagu hayay xabsi qarsoodi ah.