John Kerry: Heshiis waa suurto gal

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry, ayaa sheegay in horumar laga sameeyay habkii loo gaari lahaa heshiis nabadeed oo u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Israel, laakiin wuxuu sheegay in loo baahan yahay wali in wax badan la qabto.

Isagoo ka hadlaya Ramallah kadib saddex saacadood oo uu wadahadal la yeeshay madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamud Cabas, Mr Kerry, ayaa sheegay in qaar ka mid ah arrimihii heshiiska nabada lagu gaari lahaa in la dhameeyay.

Mr Kerry ayaa la kulmi doona Ra'iisal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Berri oo Axad ah Mr Kerry ayaa wadahadal la yeelan doono boqorka Urdun, Boqor Cabdallah, intuusan aadin Sacuudiga si uu ula kulmo Boqorka Sacuudiga, Boqor Cabdallah.