Puntland: Gudoomiye baarlamaan oo la doortay

  • 4 Jannaayo 2014

Golaha baarlamanka ee maamulkla Puntland, ayaa maanta doortay Saciid Xasan Shire, inuu noqdo afhayeenka Puntland isagoo tartan kaga badiyay Cabdirishiid Maxamed Xirsi.

Gudoomiyaha cusub ayaa helay afartan cod, wuxuuna hore u ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland.

Gudoomiyaha ayaa ah xildhibaan laga soo doortay gobolka Sanaag.

Puntland ayaa waxaa ka socda olole doorasho madaxweynenimo, oo dhici doonta siddeeda bisha Janaayo.

Doorashada madaxweynenimada ayaa baarlamaanka uu dooran doonaa madaxweyaha shanta sano ee soo socota.